Madaxweynaha Turkiga oo goor dhaw ku soo fool leh magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Jan 25, 2015

Muqdisho : HN :– Waxaa goor dhaw laga sugayaa magaalada Muqdisho in uu soo gaaro wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdugan oo la fillayo in uu ka soo dhoofo dalka Jabuuti.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socta qaban-qaabadii ugu danbeysay ee diyaar-garoowga la doonayo in lagu soo dhaweeyo madaxweynaha Turkiga iyo wafdigiisa.

Wafdiga socdaalka ku wehlinaya madaxweynaha Turkiga ayaa isugu jira wasiirro, xildhibanno iyo ganacsato siweyn caan uga ah dalkaasi Turkiga, iyaga oo hishiisyo kala duwan la gaari doona dhigooda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka, iyadoo ay xiran yihiin qeybo badan oo wadooyinka magaalada ka mid ah.

Qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Tukiga ayaa ka socota garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasooXasan_Sheekh_Recep_Erdogan lagu xardhay calanka Turkiga iyo Calanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale lagu dhajiyay sawirada Madaxweynaha Turkiga iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Booqashada Madaxweynaha Turkiga ayaa ah tii labaad oo uu Muqdisho ku yimaado, sanadkii 2011 ayay aheyd markii uu soo booqday, isagoo Ra’iisul Wasaare ahaa, xilligaasoo Soomaaliya ay ka jirtay abaaro iyo macluul ay dad badan u dhinteen.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!