Madaxweynaha Turkiga oo ku baaqay in xabsiga laga sii daayo Max’ed Mursi

by admin | Friday, Apr 10, 2015

Turkiga : HN :–Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in dib u soo nooleyntii xiriirkii uu dalkiisa la lahaa dalka Masar uu ku xirran yahay sidda uu hadalka u dhigay in xabsiga laga sii daayo madaxweynihii hore ee dalka Masar Max’ed Mursi.

Turkiga iyo Masar ayaa xiriirkooda xumaaday markii hogaamiyaha milateriga C/fataax Al-Sisi uu afgambiyay madaxweynihii la doortay ee dalkaas oo ka mid ah xubnah ururkii Ikhwaanul Muslimiin.

“Maxamed Mursi ayaa ku guuleystay codadkii doorashada 52%, waana in laga sii daayo xabsiga,” ayuu yiri Erdogan la hadlay warbaahinta Turkiga; xilli uu kasoo laabanayay safar uu ku tagay dalka Iiraan.

Sarkaal ka tirsan xafiiska Erdogan ayaa xaqiijiyay hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Turkiga. Isagoo intaas ku daray in Recep_Erdogan_oo_Masar_u_digayxukuumadda Ankara ay ka go’an tahay inay dib u eegto xiriirkii ay Masar la lahayd Masar, laakiise taas ay ku xiran tahay in Qaahira ay sii dayso Mursi.

Maxamed Mursi oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiinka ayaa xiriir dhow la lahaa Xisbiga Talada Turkiga haya ee AK Party. Reccep Erdogan ayaa cambaareeyay markii la a-fgambiyay dalka Mursi, kuna tilmaamay tallaabo aan la aqbali karin oo ay sameeyeen millateriga dalka Masar.

“Waxay nagu yiraahdeen nama fara-gelin karo Turkiga, waa sax ma fara gelineyno, balse haddii ay wax dhacaan oo waddan dhan xoriyaddiisa lagu xad-gudbo waa inaan hadalnaa,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga ayaa xusay inay illaa 18,000 oo siyaasiyiin ah la dhigay xabsiga, kuwaasoo laga mamnuucay inay xisbiyada dalka Masar k mid noqdaan, wuxuuna dalbaday in iyana laga qaado xayiraada.

Ugu dambeyn, Turkiga ayaa billaabay in safiirkiisii u fadhiyay dalka Masar uu kala soo baxo dalkaas, iyadoo uu ka jawaabayay af-gambigii Madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loosoo doortay iyo tacadiyada ay geysteen ciidanka amniga iyadoo Masar ay iyana safiirkeedii Ankara u yeeratay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!