Madaxweynaha Turkiga oo maalinta bari ah imanaya magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Jan 24, 2015

Muqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Turkiga Rajab Dayip Erdogan, ayaa lagu waramayaa in uu gaaray dalka Jabuuti, isaga oo maalinta bari ahna lagu waddo in uu soo gaaro magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo laga sugayay maalintii shalay.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa booqashadii uu maalintii shalay ku iman lahaa magaalada Muqdisho uga baaqday ka qeyb-gallka aaskaerdogan boqorkii dalka Sacuudiga Boqor C/dalla oo la aasay maalintii shalay.

Socdaalka Muqdisho ee Erdogan ayaa wuxuu ku furi doonaa mashaariic ay Turkigu hirgeliyeen oo uu ku jiro dhisme laga hirgeliyay garoonka Muqdisho ee diyaaraduhu ay soo cago-dhigtaan.

Madaxda Somalia ayaa sheegay in qaraxada ay geysanayso Al-shabaab aysan hakin doonin booqashada Erdogan, iyadoo imaanshihiisa ay qayb ka tahay safarro uu ku marayo dalal Afrika ka mid ah.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!