Madaxweynaha Turkiga oo si rasmi ah xariga uga jaray Tiriminaalka cusub ee garoonka Muqdisho

by admin | Sunday, Jan 25, 2015

Muqdisho : HN :- Madaxweynaha Turkiga Recep Dayyib Erdogan ayaa goor dhow xariga ka jaray qeyb cusub oo lagu kordhiyey garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho kaasoo ay dhistay shirkad Turki ah oo maamusha garoonka.

Munaasabada oo lagu qabtay gudaha gudaha Teminalka cusub ee xariga laga jaray ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh iyo madax kale oo labada dowladood ka tirsan, iyadoo toos looga daawanayey qaar ka mid ah telefishinada Soomaalida.

Madaxweyne Edoganoo munaasabadaas hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada isaga iyo wafdigiisa ay ku yimaadeen dalka mar kale iyo inuu xariga ka jaro terminalka cusub isagoo ka mahad celiyey sida diiran ee dalka loogu soo dhoweeyey.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhigiisa Erdogan iyo wafdigiisa ay ku soo dhoweynayaan dalkoodaDSC037971 labaad isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed aysan iloobi doonin abaalka ay u galeen walaalahood Turkiga.

Intaas ka dib ayaa madaxda labada dowladood waxay ka soo dhaqaaqeen garoonka dayuuradaha Aadan cadde iyagoo soo galay gudaha magaalada Muqdisho oo maanta amaankeeda si aan horey loo arag loo xoojiyey.

Wafdiga madaxweynaha Turkiga oo ay la socdaan madaxda Soomaalida ayaa hadda ku sii jeeda Isbitaalka Digfeer oo ku yaala degmada Hodan kaasoo isna xariga laga jarayo ka dib markii dayactir iyo qalabeyn casri ah ay ku sameysay dowlada Turkiga.

Marka ay ka baxaan isbitaalka Digfeer ayaa madaxda dowlada Turkiga waxaa la geyn doonaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaasoo ay kaga qeyb qaadan doonaan xaflad balaaran oo ka dhici doonta, waxaana ka dib shir jaraa’id wada qaban doona labada madaxweyne, iyadoo shirkaas jaraa’id ka badsina lagu wado in madaxweyne Erdogan iyo wafdigiisa ay ka dhoofaan magaalada Muqdisho galabta.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!