Madaxweynaha Turkiga oo soo dhaweeyay nabada ka jirta Soomaaliya

by admin | Wednesday, Jan 28, 2015

Muqdisho : HN :– Recep Tayyip Erdogan madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sheegay in Muqdisho ay ka jirto xilligan amaan la isku haleyn karo. isagoo caalamka ku canaantay inaysan dowladda Somalia gacantii looga baahnaa ku siin sidii ay ammaanka dalka u soo celin lahayd.

“Ma jiro dal gacan ku siiyay Somalia sidii ammaanka loosoo clin lahaa,” ayuu yiri Erdogan oo intaas ku daray. “Somalia maanta aad ayay uga wanaagsan amni ahaan sidii aan ku arkay booqashadeydii hore. Balse marka dlka Siiriya la eego dunida oo dhan ayaa isku abaabulay sidii ay gacan u siin lahaayeen.”

Isaga oo warbaahinta kula hadllayay xarunta madaxtooyada cusub ee laga dhisay magaalada Ankara ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadiRecep_Tayyip_Erdogan_M_Amni doono gacanta uu siinayo Soomaaliya, isagoo sheegay inay mashaariic hor leh ay ka fulin doonaan Somalia sanadaha soo socda.

Madaxwehnaha Turkiga iyo madaxweynaha Somalia ayaa Axaddii si wadajir ah xarigga uga jaray isbitaalka guud ee Digfeer oo isaga lagu magacaabay, waxay kaloo fureen Terminal cusub oo lagu kordhiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

“Turkigu wuu sii wadi doonaa mashaariicda uu ka fulinayo Soomaaliya, waxaana hadda billaabaynaa dhismaha 10,000 oo guri oo loogu talogalay shacabka ku nool caasimadda Somalia ee aan guryaha lahayn,” ayuu hadalkiisa ku daray Erdogan.

Ugu dambeyn, Erdogan ayaa sheegay in dalkiisu uu xoogga saarayo sidii uu u xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeya waddamada Afrika, kuwaasoo uu sheegay in sannadihii dambe uu sii adkaanayay.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha Turkiga ayaa booqasho dhowr casho ah ku maray dalalka Somalia, Itoobiya iyo Jabuuti, isagoo saddexda dalba u ballanqaaday mashaariic horumarineed oo uu Turkigu ka fulin doono.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!