Madaxweynaha Xassan Sheekh oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga aduunka

by admin | Wednesday, Sep 24, 2014

New York : HN : — Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Marekanka gaar ahaana magaalada New York,halkaas oo u uga qayb-galayo shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay.

Xasan Sheekh oo ay dalka ku soo dhaweeyen mas’uuliyinta dowlada Marekanka ayaa sidoo kale la shiray madax kala gadisan oo ka qayb-galaysa shirka caalamiga ah ee Qaramada Midoobay oo sannad walba lugu qabto New York.

Madaxweynaha socdalka waxaa ku waheliya mas’uuliyin dowladda ka tirsa,waxaana ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda,waxuuna kulamoXasan-Sheekh-iyo-masuuliyiinta-Bangiga-Adduunka gooni gooni ah New York kula yeeshay madax ka tirsan dalka Mareykanka.

Sidoo kale,madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf madaxweynaha Mareykanku u sameeyay madaxda caalamka ee ka qeybgeleysa shirka Qaramada Midoobay.

Shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu furmo barri sagaalka aroornimo ee waqtiga New York.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!