Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug la filayo in ay isku arkaan Gaalkacyo

by wadani | Wednesday, Dec 2, 2015

Gaalkacyo : HN :–Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in uu socdo qorshe la doonayo in kulan fool ka fool ah leysugu keenno madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, iyadoo la filayo in wada hadaladaas laga soo saaro war murtiyeed lagu soo afjarayo colaada Gaalkacyo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha, madaxda maamul gobolleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ee ka qeyb qaadanaya dadaalada nabadeed ee ay ka dhex wadaan labada dhinac ayaa diyaarinaya sidii gogol ay isugu keeni lahaayeen Madaxda Puntland iyo Galmudug.

20151129635843957150774108Gaas_iyo_Guuleed-Kulan_Gaalkacyo_660Wararka ayaa intaa ku daraya in xalay kulamo gaar gaar ah ay labada dhinac la kala yeesheen xubnaha dhex dhexaadinta wada ee ku sugan Gaalkacyo, waxaana dadaalka ugu badan ee la geliyay uu ahaa sidii ay isu soo hor fariisan lahaayeen C/wali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo horay u aqbalay qodobadii afarta ahaa ee uu soo jeediyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay saxiixay, kadib markii shalay Madaxweynaha Puntland uu isna saxiixay.

Ugu danbeyntii, wararka ayaa sheegaya in loo guda-gali doono kaddib kulanka labada madaxweyne kala qaadista ciidammada isku hor fadhiya goobihii lagu dagaaalamay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!