Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo hishiis hor dhac ah ku gaaray Gaalkacyo

by wadani | Saturday, Nov 12, 2016

Gaalkacyo : HN :- Madaxweynayaasha dowlad gobolleedka Puntland iyo Galmudug oo kulan ku yeeshay maanta magaalada Gaalkacyo ayaa gaaray hishiis hor dhac oo lagu soo afjarayo colaada magaalada Gaalkacyo ee mudada dheer soo jirtay.

Wadda hadallada waxaa goob joog ka ahaa ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya.

Wadda hadallo dheer kaddib ayeey labada dhinac isku afgarteen  in la xoojiyo heshiiskii lagu saxiixay isu tagga Imaaraadka Carabta.

Labada dhinac ayaa 20-ka bishan ku kulmaya magaalada Kismaayo, iyadoo la sii adkeynayo heshiiska xabad joojinta ee laga gaaray colaada todobaadyada ka jirtay magaalada Kismaayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa soo dhoweeyay heshiiska labada dhinac, waxaana uu faray inay xoojiyaan heshiiska nabadda Gaalkacyo.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsna Soomaaliya Micheal Keating ayaa dhankiisa balan qaaday in Qaramada Midoobey ay gacan ka geysaneyso dhaqan gelinta heshiiska.

Ugu danbeyntii, hishiiska ay goor dhow kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka tirsan Aqalka Sare ee labada Maamul.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!