Madaxweynayaasha Somaaliya iyo Jabuuti oo ku wajahan magaalada Beledweyne

by admin | Sunday, Feb 22, 2015

Muqdisho : HN :– Magaalada Beledweyne waxaa saakay ka socota qaban-qaabad soo dhaweynta madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti Xassan Sheekh Max’uud iyo Ismaaciil Cumar Geelle oo la fillayo in goor dhaw ay ka duullaan magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne waxaa xiligan diyaar ku ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan,xasan-sheikh-iyo-geele saraakiisha ciidammada AMISOM kuwa dowladda Soomaaliya iyo dad kooban qeybaha kala gadisan ee bulshada kuwaa oo diyaar u ah soo dhaweynta labada madaxweyne.

Booqashada Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqon doonta mid taariikhi ah madaama uu noqonayo madaxweynihii ugu horeeyay heer caalami ah oo booqda mid ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Wixii warar ah waa idin soo gudbin doonaa..

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!