Madaxweynayaasha Somalia iyo Jabuuti oo gaaray magaalada Beledweyne

by admin | Sunday, Feb 22, 2015

Beledweyne : HN :– Waxaa goor dhaw ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne wafdi ballaaran oo uu ay wadda jir u hogaaminayaan madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo subaxnimadii hore ee saakay ka soo duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Wafdiga waxaa ku soo dhaweeyay garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan20152216356010452253197022, saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM, iyo dad ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Wafdiga ayaa xiligan ku sugan xarunta taliska ciidammada midowgga Africa ee dulleedka Beledweyne, halkaasoo ay kulamo kala duwan kula leeyihiin mas’uuliyiinta maamulka iyo waxgaradka gobolka.

Wixii warar dheeraad ah waan idin soo gudbin doonaa….

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!