Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo siweyn loogu soo dhaweeyay Beledweyne

by admin | Sunday, Feb 22, 2015

Beledweyne : HN :– Waxaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan wafdi ballaaran oo ay wadda jir u hogaaminayeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti , Xassan Sheekh Max’uud iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

Wafdiga labada madaxweyne ayaa waxaa ka mid ahaa dhinaca xukuumada Soomaaliya, wasiirrka arrimaha dibada Soomaaliya Max’ed Cumar Hadlliye, wasiirrka ammniga gudaha Cabdirisaaq Cumar Max’ed, wasiirrka arrimaha gudaha iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen, wasiirka gaashaandhiga Jen C/qaadir Sheekh Cali Diini, taliyaha ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idha-qarshe iyo mas’uuliyiin kale, dhinaca wafdiga Jabuuti waxaa ka mid ahaa wasiirrka arrimaha dibada Max’ed Cabdi Yuusuf, wasiirka Diinta iyo Dhaqanka xukuumada Jabuuti Aadan Xassan Aadan, safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooblle iyo mas’uuliyiin kale.
9

1Wafdiga oo loo soo galbiyay taliska ciidammada AMISOM ee dulleedka Waqooyi ee magaalada Beledweyne, ayaa waxaa ay halkaa kula hadlleen mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqaanka.

Ugu horeyn guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdfitaax Xassan Afrax oo hadal jeediyay ayaa sheegay in dad kareer Hiiraan farax u tahay booqashada madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ay maanta ku soo gaareen magaalada Beledweyne, taa oo muujineysa sidda uu hadalka u dhigay nabad-galyada buuxda ee waqtigan ka jirta guud ahaan gobolka gaar ahaan magaalada Beledweyne.

11Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud oo khudbad ka jeediyay madasha ayaa ugu horeyn bogaadiyay shaqada wanaagsan oo ay gobolka ka hayaan maamulka iyo ciidammada oo iskaashanaya, gaar ahaan marka la eego sugida ammniga iyo hormarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka hadllay colaada gobolka Hiiraan ayaa yiri’’ Dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan waa dad nabada jecel, hasse ahaatee rabitaanka iyo go’aan qaadashada waa ay kala duwan tahay, waxaan leeyahay siddii loo baahnaa looguma guntan joojinta colaada ka jirta qeybo ka mid ah gobolka, waxaa codsanayaa mar koowaad… iyo mar labaad intaba in colaadaas la soo afjaro laguna badallo nabad ayuu yiri’’ madaxweyne Xassan Sheekh.

Mar uu soo hadal qaaday arrimaha federaalka ama is maamul gobolleedka ka ayuu sheegay in Soomaaliya maanta u guurtay nidaamka federaal, maamulada qaarna durbaba dhismeen, halka kuwa kalana lagu howlan yahay siddii ay u dhismi lahaayeen.

‘’Waxaan leeyahay reer Hiiraan ayaahahooda iyo mustaqbalka siyaasadeed ee gobolka iyaga ayeey u taallaa, cidda ay wax ku darsanayaan iyaga ayaa go’aan ka gaaraya, laakiin waxaan rabaa in aan idin xasuusiyo ma jiro gobol iskii isku tagi kara, gobollada waa in ay labo iyo wixii ka badan isku raacaa ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle khudbad dhinacyo badan taabaneysay jeediyay ayaa sheegay in marka laga soo tago booqashadiisa Beledweyne uu si dhaw ula socday mar walba howlaha ka socda gobolka.

Hasse ahaatee waxaa uu sheegay in ay aad u dhibtay sidda uu hadalka u dhigay wararka ku saabsan dagaallada gobolka marar badan isaga soo daba-noqday, isaga oo ka dalbaday maamulka gobolka Hiiraan iyo odayaasha dhaqanka in colaada loo dhameeyo.

‘’Waxaan halkan ka ballan-qaadayaa haddii ay odayaasha dhaqanka go’aan ka gaaraan colaada deegaannada Deefoow iyo Kabxanley soona afjaraan, in aan bixin doono dhaqaallaha ku baxaya  wixii hanti ahaa ee ku bur burtay dagaallada ayuu yiri’’ madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

10133456714Dhinaca ciidammada Jabuuti mar uu ka hadlayay ayuu sheegay in ay soo dhameystirmayaan qeybta labaad ciidammada Jabuuti ee AMISOM, kuwaa oo gacan ka geysan doona ayuu yiri dhameystirka howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

‘’Al-shabaab wax dan ah uma hayaan dadka Soomaaliyeed, wax naxariis ah uma hayaan, siddaa daraaded waa in meel looga soo wadda jeestaa siddii dalka looga saari lahaa ayuu yiri’’ madaxweynaha dalka Jabuuti.

1217Booqashada madaxweynaha dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqoneysa tii ugu horeysay, marka laga soo tago madaxweyne Xassan Sheekh oo dhowr jeer oo hore safar ku yimid  magaalada Beledwyene.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!