Madaxweyne Barack Obama oo khadka Telleefoonka kula hadllay madaxweynaha Kenya

by admin | Saturday, Apr 4, 2015

Washington : HN :–Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, si uu ugu tacsiyadeeyo weerarkii khamiistii la soo dhaafay Al-Shabaab ku qaaday jaamacad ku taal magaalada Gaarisa, halkaasoo ay ku dhinteen 147 ruux oo arday u badan.

Madaxweyne Obama ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas, isagoo ku tilmaamay ficil aad u xun, isagoo sheegay in bartamaha sanadkan inuu booqasho ku imaan doono dalka Kenya.

Obama ayaa wada jir u muujiyay Kenya, waxaana uu cadeeyay inuu garab taagan yahay, isla markaana ay ka taageerayaan laLF002_Obama-belt dagaalanka Argagixisada.

Kenya ayaa sanadihii u dambeeyay waxay u nugleyd weeraro ka imaanaya Al-Shabaab oo ka dhacayay magaalooyinka dalkaas, waxaana sanadkii la soo dhaafay uu ahaa sanadkii ugu dhimashada badneyd, kadib weeraro ka dhacay Mandhera iyo magaalooyinka xeebta.

Bandow maalin ah ayaa lagu soo rogay afar magaalo oo ku dhow xuduuda, waxaana jira dareen cabsi leh oo ku aadan howl galada ciidamada, waxaana Kumanaan ciidan oo xoojin ah la geeyay magaalooyinka ku dhow xuduuda ee weerarada ku qaadayeen Al-Shabaab.

Dhinaca kale Booliska magaalada Gaarisa ayaa sheegay in raggii weerarka fuliyay ay ku hadlayeen luqada sawaxiliga ah, ayna muuqatay in raggaas lagu hagayay taleefanadooda, isla markaana isku xirka weerarkaas ahaa mid aad u sareeyay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!