Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Tuesday, Mar 3, 2015

Kismaayo : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdweli Maxamed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhoweyd ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba ayaa Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada maamulka Jubba.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa loo galbiyay xarunta madaxtooyada maamulka Jubbaland iyadoo halkaa lagu wado inay wadahadalo ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Lama oga labada maamul waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan iyadoo booqashada Gaas la sheegay in ay qaadan doonto 3 maalmood,gaas-kismayo-3 hase yeeshee waxaa ay booqashada madaxweynaha Puntland uu ku tegey magaalada Kismaayo ku soo beegantay kadib burburkii ku yimid wadahadaladii lagu waday inay yeesheen ergo ka socotay dowlada federalka iyo maamulka Somaliland.

Guud ahaan amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo ka tirsan maamulka Jubba la soo dhoobay wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!