Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo

by admin | Tuesday, Mar 3, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose, iyadoo diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Puntland ay ka socoto.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in goor hore oo saaka ah inay diyaarad qaas ah ka qaado magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Wararka aanu ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Maamulka Jubba uu diyaar garo xoogan u galay soo dhoweyntaGaas-ok wafdiga Madaxweynaha Puntland, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe oo horay u booqday Garowe ayaa la filayaa inuu goor dhow ku soo dhoweeyo wafdiga Madaxweynaha Puntland garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Gawaari lagu xardhay calanka maamulka Puntland ayaa lagu arkayay wadooyinka, waxaana ciidamo kala duwan lagu daadiyay wadooyinka qaar ee Kismaayo, iyadoo qeybo badana uu isu socodku yahay mid xiran oo aanay jirin wax dhaq dhaqaaq ganacsi.

Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha Puntland, waxaana la sheegayaa in uu caawa ku hoyan doono Kismaayo, inkastoo aan warkaas si rasmi ah loo xaqiijin.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!