Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo soo gabagabeeyay booqashadiisii Muqdisho

by admin | Saturday, Feb 7, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo wafdigii u hogaaminayay ayaa soo gabagabeeyay safarkoodii Muqdisho, iyaga oo maanta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kusii dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, isagoo intii uu joogay Muqdisho kulammo kala duwan la yeeshay madaxda dalka.

Booqashada uu ku yimid Gaas Muqdisho ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku yimaado caasimadda Somalia tan iyo markii uu ku640x427xIMG_2077.jpg,Mic_.ypqIWRTTdI.jpg.pagespeed.ce.ypqIWRTTdI dhawaaqay sannadkii hore ee 2014-kii inuu xiriirka u jaray dowladda Somalia, kaddib markii uu ka carooday qorshaha maamul sameynta gobollada dhexe ee Somalia.

Dhanka kale, waxaa la filayaa inay iyaguna dib ugu laabtaan Kismaayo iyo Baydhabo, madaxweynayaasha maamullada Jubba, Axmed Madoobe iyo Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ahaa xubnihii ka socday gobollada ee Muqdisho kulmay madaxda dalka.

Kulan ay wadajir u qaateen madaxweynaha Somalia iyo madaxdii ka socday maamul-goboleedyada dalka ayaa laga soo saaray war-mutiyeed ay ka mid ahaayeen qodobbadiisa in shirkan kan xiga lagu qabto Garoowe oo xarunta Puntland ah.

Ugu dambeyn, heshiiska dhexmaray madaxda Somalia iyo madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo koonfur-galbeed ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo lagu xoojinayo xiriirka dowladda dhexe iyo maamul-goboleedyada kale ee Somalia.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!