Madaxweyne Cosoble” waa in aan la hilmaamin qoondada haweenka aqalka hoose

by wadani | Thursday, Nov 10, 2016

Jowhar : HN :- Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in markasta Maamulkiisa uu ka go’an yahay ilaalinta koontada Haweenka ay ku leeyihiin labada Gole ee Dowladda soo socota.

Waxaa uu sheegay in Aqalka Sare ay ku muujiyeen Doorka Haweenka ay ku leeyihiin kuraasta Aqalka Sare ee ka imaanaya Maamulka Hirshabeelle.

Cali C/laahi Cosoble Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa Odayaal dhaqameedyada iyo Ergooyinka soo dhisaya xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Maamulka Hirshabeelle waxa uu ugu baaqay in ay ku muujiyaan Doorka Haweenka ay ku leeyihiin kuraasta Aqalka Hoose.

Ugu danbeyntii, habeennimadii xalay ayaa waxaa ku soo dhamaaday magaalada Jowhar doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Maamulka Hirshabeelle, waxaana la doortay 8 xildhibaan oo ka mid noqonaya xubnaha Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!