Madaxweyne C/wali Gaas oo dib ugu laabtay magaalada Garoowe

by admin | Sunday, Nov 2, 2014

Garoowe : HN :– Waxaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamul gobolleedka Puntland madaxweyne C/wali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmihii ugu danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Madaxweynaha iyo Wafdiga uu Hogaaminayey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire,Golayaasha Dawladda Puntland,Saraakiil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u badnaa Wateyna Calamada Puntland iyo Soomaaliya kuna labisna dharka hiddaha iyo dhaqanka ayaa iyaguna ku diyaarsanaa Garoonaka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si wanaagsan uga qeyb qaateen soo dhoweynta madaxweyne Gaas.

Soo dhaweyn kadib Madaxwaynaha iyo Masuuliyiintii la socday ayaa waxaa loo soo gudbiyey aqalka Madaxtooyada Dawladda PuntlandGaas Garoowe ee Garoowe waxana halkaasi Warfidyeenka kula hadlay Madaxwayne Gaas,isagoona faah faahin ka bixiyey Socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Dibadiisa.

‘’aad baan runtii idiinkaga mahad-celinayaa soo dhaweyntiina aadka u qiimaha badneyd,saad la socotaan waxaan ku tagey socdaal dhowr wadan oo uu kamid yahay wadanka ingiriiska waxaana kaga qeyb galay shirkii maalgashiga Afrika iyo shirar kale oo gaar gaar ah oo aan la galay qurbo joogteena iyo dad si gaar ah u xiisaynayey Puntland si ay maalgashi uga sameystaan’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Ka bacdii waxaan aadey Dubai oo aan kaga qeyb galay shirkii ka hortaga burcad badeeda isna runtii shir muhim ah ahaa aduunka dhanna uu ka soo qeyb galay lagana hadlayey burcad badeeda dhibta ay ku hayso geeska afrika iyo guud ahaan ganacsiga iyo Amniga guud ee mandiqada ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Dalka Itoobiya waxaan runtii kala hadalnay howlo badan oo dhinca waxbarashada ah iyo dhinaca amniga marinkaygana way aheyd waxaana la kulmay Wasiirka arrimaha Dibada ee Ethopia iyo madax kale oo dalkaasi ah oo aan kala hadlayey howlaha naga dhaxeeya ‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarkii uu ku tagay dalka Dibadiisa uu ku soo dhammaaday Guul iyo is afgarad.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!