Madaxweyne Farmaajo mar kale sheegay in dowladiisa wax ka qabaneyso garsoorka iyo cadaallada

by wadani | Sunday, Jun 18, 2017

Muqdisho : HN :-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa sheegay in ay soo gaarayaan Cabashooyin la xiriira Arrimaha Garsoorka Dalka.

Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Masuuliyiinta Garsoorka ay ku dadaalaan Cadaaladda haddii kale ay dhibaato ka dhexlayaan adduun iyo Aakhiro haddii cadaalad darro ay ku kacaan.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uu wax uga qaban doono arrimaha Garsoorka Dalka si loo helo Cadaalad hufan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa muddooyinkii dambe si aad ah uga hadlayay arrimaha Cadaalad darrada Garsoorka isagoo tilmaamay kadib cabashooyin ka soo gaaray dhinaca dadweynaha Soomaaliyeed uu wax ka qaban doono.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!