Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal tacsi u diray boqorka Sacuudiga

by wadani | Saturday, Jul 15, 2017

Muqdisho : HN :- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed  C/laahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah u diray Madaxda iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga isagoo uga Tacsiyeeyay Geerida ku timid Allaha u naxariistee Amiir Cabdiraxmaan Bin Cabdulcasiis oo ka tirsanaa Qoyska reer Boqor.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo wakiil ka ah Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu Alle ugu baryay inuu Janada Fardowso ka waraabiyo Amiirka Dhintay, sidoo kalana uu samir ka siiyo dowladda iyo shacabka uu ka baxay.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale Alle uga rajeeyay Badbaado iyo Caafimaad qab Masuuliyiinta iyo Shacabka Boqortooyada Sacuudiga.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah