Madaxweyne Farmaajo oo mar kale ugu baaqay Al-shabaab wada hadal

by wadani | Sunday, Jun 18, 2017

Muqdisho : HN :-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa waxaa ugu baaqay dagaalyahanada Al-Shabaab in ay qaataan heshiis ,islamarkaana ay la hadlaan dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay la hadasho Al-Shabaab si loo xaliyo dhibaatada ay wajahayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu dagaalyahanada Al-Shabaab uu u sheegay in ay haboon tahay in aysan leyn shacabka hantidooduna aysan burburin.

 Dowladda Soomaaliya ayuu xusay Madaxweyne Farmaajo in ay sameyn doonto tilaabo walbe oo lagu joojinaayo dhiiga Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay kusoo biiraan dowladda ,islamarkaana Qaraxyadda ay joojiyaan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah