Madaxweyne Farmaajo oo martiqaad ka helay dowladda Qatar

by wadani | Tuesday, Sep 12, 2017

Muqdisho : HN :-Dowladda Qatar ayaa ku casuuntay madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shir gaar ah oo la sheegay bishan in lugu qabanayo magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxaa lugu sheegay shirka inuu yahay mid ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar,wuxuuna ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey

Sii Hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Waxaa lugu sheegay kulanka in looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal,inta waxaa xigtay in labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar in madaxweyne Farmaajo iyo wasiir Yuusuf Garaad la garsiiyay ,sida lugu xaqiijiyay qoraal ay wasaaradda arrimaha dibadda ku baahisay bogga ay Facebook-a ku leedahay.

Casuumada dowladda Qatar ay usoo dirtay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa timid markii dowladda Soomaaliya ay bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka Qatar.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!