Madaxweyne Gaas iyo taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed oo Gaalkacyo ku kulmay

by admin | Wednesday, Oct 14, 2015

Gaalkacyo : HN :–Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hoygiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug waxaa ku  booqday  taliyaha ciidammada booliiska dowladda federaalka Soomaaliya Max’ed Shiikh Xassan Xaamud, oo booqasho maalmahaanba ku joogay Puntland .

Taliyaha iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa Madaxweynuhu uu ka qaatay salaan sharaf , waxaana uu uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland ,ku waasoo indhahooda ku soo arkay dhismaha ciidan ee Puntland kajira .

Puntland ayuu ku amaanay Taliyaha Ciidanka Booliska Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Shiikh Xassan haykalka dawladnimo ee kajira ,isagoona soo arkay ciidan Booliis ah oo dhisan diyaarna u ah inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo idmaday .

IMG_9028Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa taliyaha ku bogaadiyey inuu sii laba jibaaro dadaalada uu wado ee uu rabo inuu ku horumariyo ciidanka Booliska .

Ciidammada booliiska Puntland ayaa hadda waxaa u socoda tababaro sare loogu qaadayo aqoontooda, halka qeybtoodna loo soo geba gebeeyey tababaradaasi diyaarna ay u yihiin sidii ay u howlgeli lahaayeen, waxbadana uga badali lahaayeen qaabkii hore ee ay ku howlgeli jireen.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!