Madaxweyne Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo oo u dhoofay Addis Ababa

by admin | Sunday, Dec 14, 2014

Garoowe : HN :– Waxaan maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas oo u sii jeeda dalka dalka Itoobiya magaalada Addis Ababa.

Xubnaha wafdiga madaxweynaha oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan xukuumadiisa waxaana la sheegay in ay socdaal saddex cisho qaadaya ku tagi doonaan magaalada Addis Ababa.

Madaxweynaha la hadllay warbaahinta hadlay ayaa ka warbixiyey ujeedada socdaalka uu xilligan dalka Itoobiya ugu baxayo.Gaasdhoofay

Wuxuuna sheegay inuu halkaas kulamo kula soo qaadan doono mas’uuliyiin ka tisan dowlada Itoobiya iyo waliba diblumaasiyiin ka soca beesha caalamka.

Arimaha ugu muhiimsan ee uu kala soo hadli doono isagoo sharaxayey wuxuu sheegay inay kamid yihiin: xoojinta xiriirka Itoobiya iyo Puntland iyo weliba sidii labada dhinac iskaashi uga sameysan lahaayeen dhinacyada ammaanka iyo dhaqaalaha.

“Waxaan u safrayaa maanta Addis Ababa oo aan ku maqnaan doono saddex bari, waxaan u tegayaa arimo ku saabsan xiriirka Itoobiya iyo Puntland, arimaha ammaanka, la-dagaalanka xagjirnimada iyo iskaashiga dhaqaalaha” Gaas ayaa sidaas yiri.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegaa in ay tahay dowlad galaan-gal siyaasadeed oo weyn ku leh arrimaha Soomaaliya, waxaana ay si dad badan iyo si toos ahba xiriiro kala duwan ula leedahay maamulada ka jira dalka.

Hiiraan Net.

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!