Madaxweyne Gaas oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Friday, Sep 11, 2015

Kismaayo : HN :–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta duhurkii gaaray magaalada Kismaayo, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo maalintii berri ka dhaceysa Kismaayo.fadf-7

Madaxweynaha la doortay Axmed Madoobe ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana kadib Madaxweynaha Puntland loo galbiyay Madaxtooyada Kismaayo.

Wafdi ka socda dowladda Federaalka ayaa iyana la filayaa inay ka qeyb galaan caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana la ogeyn in Madaxweynaha uu ka qeyb galayo iyo in kale.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud kala duwan, waxaana maanta gaaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu danbeyntii ammniga magaalada Kismaayo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la filayo in maalinta berri ay gaaraan wafuud ka socota Beesha Caalamka.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!