Gaas oo Garoowe ku qaabilay safiirka Turkiga ee Soomaaliya

by admin | Tuesday, Nov 4, 2014

Garoowe : HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa kulan kula qaatay magaalada Garoowe sanjirha dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Kulanka labada dhinac oo ahaa mid gaar ah oo albaabada ulaaban ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada loo qabtay shir jiraa’id oo lagu faahfaahinayay.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa sheegay inay safiirka isku afgarteen horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo kala ah, wax soo saarka beeraha iyo xoolaha iyo harumarinta caafimaadka iyo waxbarashada. Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegay inay safiirka u sheegeen in Turkigu si siman Soomaaliya ugu qeybiyo mashaariicda uu ugu talo galay maadaama dalku yahay federal.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu inay ka filayaan Turkigu inuu ka caawiyo waxyaaabaha ay safiirkooda kala hadleen oo ay isku afgarteenGasas sidoo kale wuxuu sheegay inay badandoonto booqashooyinka safiirka uu ku imaanayo Puntland.

Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar oo ka hadlay shirka jira’id ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu yimaado Garoowe oo uu la kulmo madaxweyne Cabdi Weli Maxamed cali Gaas. Waxaan jeclaan lahaa inaan muujino ka mahad celinta sida aad noosoo dhaweyseen. Taasi waxay I dareensiinaysaa inaan joogo gurigaygii.

Wuxuu sheegay safiirku inay tahay booqashadiisii ugu horeysay oo uu ku tago meel ka baxsan Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulan muhiim ah la qaatay madaxweynaha Puntland ayna hoosta xariiqeen xoojinta xiriirka Puntland iyo Turkiga.

“Waxaan aaminsanahay Puntland inay tusaale wanaagsan u tahay maamulada kale ee dhismaya ee ku salaysan nidaamka federalka, waxayna taas ku gaartay nabad galyada iyo xasiloona ka jirta dhulkeeda. Waxaan kaloo aaminsanahy inay Puntland gaartay barwaaqo iyo kheyraad ay qeyb kaga tahay Soomaliya. Waxaana hoosta ka xariiqayaa in wadankaygu uu xooga saaridoono xiriirada u dhexeeya Puntland iyo Turkiga.

Safiirka dalka Turkiga ayaa ugu dambayn sheegay inay madaxweynaha madaxweynaha isla meel dhigeen dhowr arrimood oo ku wajahan xoojinta xiriirka labada dhinac, Wuxuuna maalmaha ama todobaadyado soo socda sheegay in la arkidoono wnatiiijo wanaagsan.

 

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!