Madaxweyne Gaas oo qaabilay madaxa xafiis gobolleedka Diakonia

by admin | Saturday, Nov 8, 2014

Garoowe :HN :– Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe gaar ahaan Xafiiskiisa ku qaabilay Madax Xafiis Goboleedka Diakonia Mr.Leif Newman (Diakonia Regioanl Manager) iyo saraakil katirsan hay’adda Diakonia.

Kullan gaar ah oo Madaxweyne Gaas iyo Mr.Leif Newman wada qaateen ayaa waxa uu ku saabsanaa Qorshe Howleedka ay ka fulin doonto Hay’adda Diakonia Puntland afarta sano ee fooda inagu soo haysa (2015-2018).

Hay’adda Diakonia ayaa sheegtay in Barnaamijyada Horumarineed ee Puntland ka fuliyeen ay qeyb ka yihiin hirgelinta 29-iskuul iyo aqalada martida waxana sidookale ay sheegen in ku dhowaad 1200-oo qoys ay quudiyaan hada,islamar ahaantaana ay rajeynayaa mustaqbalka dhow intiradaasi wax badan iska badeli doonaan oo ay kor u qaadaan taakuleynta ay la garab taagan yihiin Shacabka Puntand.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ka codsaday hay’adda Diakonia in BarnaamijyadaDiakonia Mr.Leif Newman (Sawirro) horumarineed ay gaarsiiyaan Gobolada Sool,Sanaag,Ceyn iyo Haylaan,iyagoona u gaarsiinaya sida ay Gobolada kale ee Puntland u gaarsiiyeen Barnaamijyadooda Horumarineed,sidookalana waxa uu Madaxweynuhu codsaday in shaqaalaha hay’addaasi ee 20-kii sano la shaqeynayey tixgelin siiyaan .

Madax Xafiis Goboleedka Diakonia Mr.Leif Newman oo ka jawaabtay codsiga Madaweyne Gaas ayaa waxa uu sheegay in Gobolada Bari iyo Nugaal hada ay kawadaan Gargaar islamar ahaantaana Gobolada Sanaag,Sool,Ceyn iyo Haylaan iyana ka simi doonaan barnaamijyada iyo Mashaariicda ay kawadaan Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa ka codsaday hay’adda Diakonia in Barnaamijyada horumarineed ay gaarsiiyaan Gobolada Sool,Sanaag,Ceyn iyo Haylaan,iyagoona u gaarsiinaya sida ay Gobolada kale ee Puntland u gaarsiiyeen Barnaamijyadooda Horumarineed,sidookalana waxa uu Madaxweynuhu codsaday in shaqaalaha hay’addaasi ee 20-kii sano la shaqeynayey tixgelin siiyaan .

Madax Xafiis Goboleedka Diakonia Mr.Leif Newman oo ka jawaabtay codsiga Madaweyne Gaas ayaa waxa uu sheegay in Gobolada Bari iyo Nugaal hada ay kawadaan Gargaar islamar ahaantaana Gobolada Sanaag,Sool,Ceyn iyo Haylaan iyana ka simi doonaan barnaamijyada iyo Mashaariicda ay kawadaan Puntland.

 Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!