Madaxweyne Guulleed ”diyaar uma nihin in aan xoog u adeegsano Ahlu Sunna haddii aysan daruuf qasbin

by admin | Sunday, Sep 6, 2015

Muqdisho : HN :–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed oo ka hadllayay arrimo dhowr ah ayaa soo hadal qaaday siyaasada maamulkiisa ee ku wajahan xoogga Ahlu Sunna.

“Anaga iyo Culimadda Ahlusuna ee jooga Dhuusa Mareeb iyo deegaanada kale xiriir ayaa inoo socda, waxaa ku qancineynaa inay ka mid noqdaan Maamulka, wax kasta oo suura gal diyaar ayaa ula nahay”ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Waxaa uu sheegay in haddii wada hadalada ay guuldareystaan aanay ogolaan doonin ciidan madax banaan oo Gobolka jooga oo aan maamulkiisa ka tirsaneyn.

40“Haddii aysan daruuf qasbin xoog inaan adeegsano ma rabno, wixii khilaaf iyo ra’yi kala duwanaan jira wada hadal iyo wada xaajood ayaa ku xalineynaa, waana rajeyneynaa in walaalaha Ahlusuna ay baaqyada aan jeedineyno inay qaataan”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Xoogagga Ahlu Sunna ayaa gacanta ku haya degmooyinka Dhuusa Mareeb iyo Guri-ceel ayaa horay uga soo horjeestay maamulka lagu dhisay Cadaado, iyagoo dhowaan qaadacay golihii wasiirada ee uu magacaabay Madaxweynaha Galmudug iyo heshiiskii ay la galeen garab ka mid ah Ahlusuna.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!