Madaxweyne ku xigeenka maamulka 6-da gobol ee K-Galbeed oo Garbahaaray tagay

by Yahye | Friday, Sep 26, 2014

Baydhabo; HN;- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka K-galbeed ee 6-Gobol Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta tagay magaalada Garbahaarey.

Wafdigan ayaa waxay halkaa u tageen in aay ka qeyb galaan shir la sheegay in looga arinsanayo aayaha gobolka Gedo, oo labo maamul isku heystaan.

Maamulka Jubba ee uu Axmed Madoobe hogaamiyo ayaa sheeganaya in Gedo aay ka tirsan tahay maamulkiisa halka Madoobe Nuunow iyo maamulkiisa 6-gobol ee K-galbeed aay sheeganayaan in gobolka Gedo iyaga ka tirsan yahay.

Kadib tagitaanka wafdiga Maxamuud Sayid iyo ka maqnaashiyaha maamulka Jubba ayaa loo fasiran karaa in gobolka Gedo uu siyaasad ahaan raacsan yahay maamulka 6-gobol ee koofur galbeed.

Hadaba Maxamuud Sayid oo isagu Saxaafadda kula hadlay garoonka Garbahaarey ayaa sheegay ujeedka uu Garbahaarey usoo gaaray inay tahay ka qeyb galka shirweynaha Midnimo One ee dhawaan ka furmi doonna magaalada, waxana uu rajo ka muujiyay qodobo la isku raacsan yahay oo hagi doona siyaasada gobolka in ay kasoo bixi doonaan shirka.

Hiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!