Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba oo booqday deegaano laga saaray Al-shabaab

by admin | Saturday, Nov 29, 2014

Kismaayo : HN :– Ciidamada maamulka Jubba oo kaashanaya kuwa midowgga Africa ayaa howlgalo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose waxaa ay kula wareegeen saldhigyo ay lahaayeen Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba C/qaadir Luga-dheere ayaa booqday deegaanno dhowr ah oo laga saaray Al-shabaab waxaana ka mid ahaa Goobweyn, Qaam-qaam, Yoontooy iyo Buulo gaduud oo dhamaantood kamid ah deeganadii ugu dambeeyay ee Shabaab laga qabsaday, marka laga reebo Goobweyn.

Wafdiga waxaa ay tageen goobaha ay ciidanka kaga sugan-yihiin dhulka Al-shabaabka laga saaray,waxuuna ciidanka kula hadlayjub madaxweyne ku xigeenku deegaanka Buulo Gaduud oo kamid ah deeganadii ciidamada ay kala wareegeen Shabaabka, isaga oo sidoo kale sheegay in ciidamada laga rabo in Shabaab ay ka saaraan dhulka weli ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale,madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba ayaa deegaannadii uu booqday waxa uu kula hadlay shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada si amnigooda loo sugo.

Booqashadan waxaa ay ka dhigaysa markii labaad oo uu madaxweyne ku-xigeenka Jubba booqdo dhulka Al-shabaab laga saary ee ka tirsan deegaannada maamulka Jubba.

Al-shabaab waxaa ay wali ku sugan-yihiin deegaanno ka tirsan Jubbooyinka,balse maamulka ayaa xilligan sheegay in guud ahaanba deegaannada laga saarayo Al-shabaab.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!