Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka oo dhaliilay Trump

by wadani | Friday, Jan 6, 2017

Washington : HN :-Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka Joe Biden ayaa u soo jeediyay madaxwaynaha la doortay Donald Trump in uu isbadal la yimaado wuxuuna dhaliilay weerarka uu ku hayo laamaha sirdoonka Maraykanka.

Jimcaha ayaa Trump lala wadaagidoonaa eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogalin ku sameeyay doorashada Maraykanka arrintaas oo uu shaki kaga muujiyay qoraallo badan oo uu Twitterka ku soo qoray.

Todobaadka soo socdana waxaa warbixintaas loo soo bandhigi doonaa dadwaynaha Maraykanka.

Biden ayaa sheegay in ay “caqli la’aan tahay” in madaxwaynaha la doortay uusan aaminin laamaha sirdoonka ee dalka Maraykanka.

Ruushka ayaa diiday in uu jabsaday email-lada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka doorashadii Nofembar ka hor.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa hadaladan u sheegay warbaahinta PBS oo uu waraysi siiyayay.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!