Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo gaaray magaalada Kismaayo

by admin | Monday, May 4, 2015

Kismaayo : HN :–Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey oo ay waheliyaan mas’uuliyin ka tirsan Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga madaxweyne ku-xigeenka waxaa ka mid ah wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka dawladda Puntland,Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo mas’uuliyin kale oo dowladda ka tirsan

Madaxweyne ku-xigeenka markii uu gaaray Kismaayo waxaa halka ku soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbalandcamey fe iyo xubno ka mid ah bulshada qaybaheeda.

Soo dhaweyn kaddib wafdiga waxaa loo gudbiyay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo,halka oo ay kulan kula qaateen madaxweynaha dowlad-gobolledka Jubbaland,Sheekh Axmed Madoobe.

Ujeedka safarka wafdiga ka socda Puntland ee Kismaayo gaaray ayaa lugu sheegay inay ka qayb-gali doonan caleemo saarka baarlamaanka Jubbaland oo lugu waddo inay Kismaayo ka dhacdo maalinta berri ah.

Wafuud kale oo ka qayb-galaysa munaasabadda lugu caleemo saaraya baarlamaanka Jubbaland ayaa iyaguna ku qul qulaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!