Madaxweyne Nkurunziza” waxaan dagaal kula jirnaa Al-shabaab

by admin | Sunday, May 17, 2015

Bujumbura : HN :–Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa markii ugu horreysay warbaahinta kula hadlay magaalada Bujumbura maanta oo Axad ah, kaddib afgambigii dhicisoobay ee Toddobaadkii aynu kasoo gudubnay ka dhacay Burundi.

Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay inuu Dagaal kula jirto Al-shabaabta Somalia, isagoo aan soo hadal-qaadin af-gambigii dhicisoobay ee la doonayay in xukunka looga tuuro iyo dagaalladii Khamiistii ka dhacay Bujumbura.

“Waxaanu qaadannay go’aan adag oo aan kula dagaalamayno Al-shabaabta dalka Somalia ka howlgasha. Waayo waxaanu ogaannay khatartooda ballaaran,” ayuu Nkurunziza ku yiri Shirkiisa jaraa’id.

Dalka Burundi ayaa waxaa toddobaadyadii ugu dambeeyay ka socday dibadbaxyo rabshado wata, kuwaasoo sababay khasaareNkurunziza_of_Burundi_Press (1) dhimasho iyo dhaawac ah, waxaana sidoo kale saraakiil ciidan ay dalkaas ka sameeyeen in qilaab guul-darreystay.

Xaaladda magaalada Bujumbura ayaa maanta oo Axad ah deggen, inkastoo ay ku baaqeen hoggaamiyeyaasha dibadbaxyada inay Isniinta berri ah dib u billaabi doonaan dibadbaxyadii ay kaga soo horjeedaan go’aanka madaxweynuhu uu ku doonayo inuu mar saddexaad uga qaybgalo doorashooyinka madaxnimo ee ka dhici doona dalkaas.

Hoggaamiyihii Af-gambiga Burundi, Jen. Godefroid Niyombare oo ahaa Taliyaha guud ee ciidamada millateriga Burundi, horayna u soo noqday taliyaha sirdoonka dalkaas ayaa weli baxsad ahaan ku maqan; laaakiin warar la helay Jimcihii ayaa sheegay in uu Qorsheynayo inuu si iskiis ah xukuumadda isku soo dhiibo.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!