Madaxweyne Obama iyo Uhuru Kenyatta oo ku kulmay aqalka madaxtooyada Kenya

by admin | Saturday, Jul 25, 2015

obama-vs-Uhuru-1Nairobi : HN :–Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay aqalka Madaxtooyada Nairobi, halkaasoo wada hadalo uu kula leeyahay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Obama ayaa markii uu gudaha u gallay aqalka madaxtooyada waxaa lagu qaabilay oo loo riday 21 madfac, isaga oo siddoo kalana salaa sharaf ka qaatay cadammo gaar ah loogu talagalay soo dhaweyntiisa.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la gallay dhigiisa dalka Kenya, iyaga oo kulankoodu uu ahaa mid ay albaabada u xirnaayeen oo ay labadooda oo kaliya galleen.

Kulankan ayaa looga hadlayay arrimo badan oo ugu muhiimsan waxbarashada, caafimaadka, amniga, xuquuqda aadanaha.

Goor sii horeysay Madaxweyne Obama ayaa furay shirka hal abuurka Ganacsiga, waxaana uu ammaanay mustaqbalka dhaqaalaha iyo ganacsiga Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Obama ayaa ubax dhigay safaaradii hore ee Mareykanka ee qaraxyadii 1998-dii lala beegsaday, kaasoo lagu dilay in ka badan 200 oo ruux.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!