Madaxweyne Obama oo amaanay howlgallada ciidammada dowladda iyo AMISOM

by admin | Sunday, Aug 2, 2015

Addis Ababa : HN :–Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa ammaanay howlgalka lugula dagaallamayo al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku bogaadinayo ciidamada militeriga Soomaaliya iyo kuwaObama_Addis_Ababa_Shir_Jaraaid gacanta siinaya ee AMISOM,isagoo marka faray inay muhiim tahay in la xoojiyo cadaadiska lagu hayo al-Shabaab.

Waxaa kaloo uu intaa ku darray in uu ka shaqeyn doono sidii loo ciribtiri lahaa al-Shabaab,isagoo marka hadalkan ka jeedinayay magaalada Addis Ababa oo xarun u ah dalka Itoobiya,halka oo u dhawaan ku tagay booqasho qaadatay saddex casho.

“Waxaan taageerri doona howlgal kasta oo lugula dagaallamayo al-Shabaab,waan la socda hanjabaado badan ayay Itoobiya kala kulanta al-Shabaab,annaguse gacan ayaan idinka siin doona,waan ammaanaya dagaalka ururka ee ay wadaan ciidanka Soomaalida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM,”ayuu ku yiri shir jaraa’id oo u madaxweynaha Marekanka ku qabtay Addis Ababa.

Ururka al-Shabaab ayaa dagaal kula jira dowladda Soomaaliya iyo dalalka gacanta ka siiya la-dagaallankooda oo ay ka mid tahay dalka Kenya,balse xilligan deegaanno badan oo koonfurta ku yaalla ayaa lagala wareegay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!