Madaxweyne Obama oo dhamaadka bisha July lagu waddo in uu booqdo dalka Itoobiya

by admin | Saturday, Jun 20, 2015

Washington : HN :–Madaxweynaha dalka  Mareykanka Barack Obama ayaa la waddaa in uu dhamaadka bisha July booqdo dalka Itoobiya, isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo booqda dalkaas.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu u safri doono magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya dhamaadka bisha July, waxaana booqashadiisa ay tahay tii u horeysay isagoo Madaxweyne ah.obama-feliciteert-republikeinen-met-overwinning-

Madaxweyne Obama ayaa kala hadli doono dowladda Itoobiya, arrimaha dhaqaalaha, xoojinta dimoqraadiyadda iyo ammaanka.

Socdaalkiisa Addis Ababa ka hor waxaa uu tagi doonaa Kenya oo horay loo shaaciyay, halkaasoo uu ka soo jeedo aabihii.

Obama ayaa waxaa uu kaga qeyb geli doonaa magaalada Nairobi, shir hal maalin soconaya oo looga hadlayo hal abuurka Ganacsi.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horay safar ugu tagay wadamo Afrikaan ah, sida Masar, Koofur Afrika, Ghana, Senegal iyo Tanzania.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!