Madaxweyne Puntland oo u dhoofay dalka Itoobiya

by admin | Thursday, Apr 16, 2015

Garoowe : HN :–Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland C/wali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta u anbabaxay dalka Itoobiya.

Madaxweyne Gaas oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno isugu jiray wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada ayaa waxaa garoonka ku sii sagootiyay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin C/llaahi Xaaji Camey.

Madaxweyne gaas ayaa dalka Itoobiya u aaday sidii uu uga qeyb-geli lahaa kulan loogu magac daray Tana Forum kaa soo sanad walba la qabto loogana hadlo qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa .

” Xoojinta ganacsiga iyo Amniga labada dal ayaan sidookale kawada hadlaynaa madaxda dalka Itoobiya guul iyo kheyr baanaGAAS rajaynayaa Puntland nabad-gelyo iyo horumar ayaana u rajaynayaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr, Cali Gaass iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha kooban ee ay ku sugan yahiin dalka Itoobiya kulamo la qaadan doona madaxda dalkaas.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!