Madaxweyne Shariif oo furay ciyaaraha degmooyinka Banaadir.

by admin | Sunday, Dec 18, 2011

Muqdisho: HN: Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka gobolka Banaadir taasoo lagu furayay ciyaaraha degmooyinka ayaa waxaa xariga kajaray mudane Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya.

Munaasabaddani oo aheyd midcaalami ah ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin fara badan oo katirsan dowladda kooxaha ciyaartooyda 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, kooxda baambeyda, haweenka iyo dhalinyarada degmooyinka gobolka oo dhan iyo marti sharaf kale.

Waxaana ugu horeynti munaasabaddaasi dhoola tus dadweynihii kasoo qeybgalay ay jecleysteen soo bandhigay kooxi ka kala socday 16-ka degmo ee gobolka Banaadir oo ay wehliyeen kooxda Baambeyda, waxaana socod dheer ay kusoo mareen gudaha garoonka Satdiom Koonis ee magaalada Muqdisho.

Xafladda ayaa waxaa furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo kubaddii lagu ciyaari lahaa cirka utuuray kadibna waxaa sacab iyo sawaxan lagu soo dhoweynayay furitaanka ciyaaraha degmooyinka ee madaxweynuhu furay.

Intaa kadb waxaa bilowday qudbadihii madaxda oo uu ugu horeyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, oo ku dheeraaday baahida loo qabo is dhex galka bulshada iyo degmooyinka gobolka si amaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho wax weyn looga baddalo.

Madaxweynaha Jamhuudiyadda Soomaliya mudane Shariif Sheekh Axmed oo munaasabaddaasi hadalo qiimo badan kasoo jeediyay ayaa dhankiisa tilmaamay baahida loo qabay ciyaaraha degmooyinka isagoona guul u rajeeyay ka qeyb galayaasha dhamaan 16-ka degmo ee gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada barnaamijyo badan oo lagu horumarinayo adeegyadii bulshada ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!