Madaxweyne Siilaanyo” kama taanaasulin musharaxnimada madaxweynaha

by admin | Tuesday, Oct 21, 2014

Hargeysa : HN :– Madaxweynaha Somaliland Axmed Max’ed Siilaaanyo oo maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, kadib markii uu ka qeyb galay shir looga hadlayay maal gashiga oo lagu qabtay dalka Britain ayaa sheegay inuu mar kale isku soo sharixi doono doorashada madaxtinimada.

Siilaanyo oo wariyeyaasha kula hadlayay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in inta sharciga u ogol yahay uu taagan yahay doorashada madaxtinimada Somaliland, isagoo beeniyay warar kala duwan oo ka soo baxayay xaaladiisa caafimaad.

“Inta sharciga ii ogol yahay waxaa u taaganahay doorashada Madaxtinimada Somaliland, wararkii dacaayadaha ee maalmahan sooSiilaanyo-620x330 baxayay waxay ahaayeen kuwo aan waxba ka jirin”ayuu yiri Siilaanyo.

Waxaa uu sheegay in shirkii lagu qabtay Britain looga hadlay maalgashiga Somaliland, isla markaana ay hordhigeen Ganacsatada Britain sida muhiimka u tahay in la maalgashado Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilka madaxtinimada Somaliland qabtay bishii July ee sanadkii 2010, waxaana uu xilkiisa ku eg yahay bisha June ee sanadka 2015, xilligaasoo la rajeynayo inay doorasho ka dhacaan Gobolada Somaliland.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!