Madaxweyne Siilaanyo oo sheegay in uu soo buuxin doonno xilalkii ay baneeyeen wasiirradii is casilay

by admin | Tuesday, Oct 27, 2015

Hargeysa : HN :–Madaxweynaha dowladda Soomaaliland Axmed Siilaanyo ayaa oo ka hadllay is casillaadii qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirrada iyo agaasimayaasha qaar, ayaa sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan u soo buuxin doono xilalkii ay ka taageen wasiirrada.

“Waxaan u arkaan is casillaada, dadku haddii ay nidaamka la socon waayaan, dabcan xaq bey u leeyihiin in ay is casilaan, arrintaa waa wax iska caadi ah, sidda ugu dhaqsiyaha badan ayaanan u soo buuxin doonaa boosaskaas” ayuu yiri Axmed Siilaanyo.

Siilaanyo_Somaliland_PresidentMadaxweynaha Soomaaliland, ayaa waxba kama jiraan ku sheegay eedeyn loo jeediyay oo aheyd in uu dhex dhexaad ka noqon waayay arrinta xisbiga iyo musharixiinta ku tartameysa gudaha xisbiga.

“Eedeymaha la ii soo jeediyay waa waxba kama jiraan, aniga cid aan garab siiyay ma jirto, Golaha dhexe ee Xisbiga ayaa shaqo ku leh xisbiga nidaam ayuu leehaya, halkii badi u bata ama cidii la doorta ayaa raacayaa”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Waxaa uu sheegay in Wasiirada is casilay ay ikhtiyaarkooda isku casileen, isla markaana uusan xilligan isaga u fadhin, dad badan oo diyaar u ah inay isaga la shaqeeyaan ay jiraan, isla markaana cidii la shaqeyn karta ay la shaqeyneyso, cidii iska tagta ay iska tageyso sida uu yiri.

Wasiiro miisaan culus ku leh Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay iska casilay, markii uu cirka isku shareeray khilaafka ka dhaxeeya Xisbiga Kulmiye ee la xiriira loolanka loogu jira cida musharax u noqoneysa Xisbiga.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!