Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo dib ugu laabtay Nairobi

by admin | Thursday, Oct 9, 2014

Nairobi :HN :–Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dib ugu labatay magaalada Nairbi ee dalka Kenya kadib markii uu ka soo laabtay dhageysiga dacwad ka dhan aheyd oo ka soctay maxkamada danbiyada dagaalka ee ICC.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay ee isaga oo madaxweynaha ka soo hor muuqda madaxkamad danbiyada dagaalka, waxaa ay arrintaa dad badan u arkayeen in ay aheyd mid xad gudub ah, madaama uu madaxweynuhu awooday in uu dacwada ka dhanka ah dhageysto isaga oo ku sugan dalka Kenya.

Markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi waxaa si farxad leh u soo dhaweeyay ku-xigeenkiisa William Rutto oouhuru-kenyata laftirkiisa dacwad uga socto maxkamada danbiyada dagaallka iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo ku faraxsanaa dib u soo laabashada madaxweynaha.

Uhuru wax hadal kama uusan jeedin gudaha maxkamada waxaana uu u wakiishay ka jawaabista su’aalaha isaga ku socday in uu ka jawaabo qareenkiisa.

Waxaa la sugayaa ugu danbeyntii go’aanka ay maxkmada ka qaadato arrinta ku saabsan dacwada ka dhanka ah Uhuru Kenyatta ee ku saleysan in uu qeyb ka ahaa xasuuqii dad shacab rabshadii ka dhashay doorashadii dalka Kenya sanadkii 2007, hasse ahaatee madaxweynaha uu beeniyay in uu arrintaa wax danbi ah ku leeyahay.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!