Madaxweyne Xasan Sh. iyo wafdi uu hogaaminayo oo B/weyne gaaray

by Yahye | Thursday, Oct 23, 2014

B/weyne; HN;- Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib markii uu saaka duulimaad ku tagay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga madaxwaynaha ayaa si wanaagsan loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, waxaana lagu wadaa inuu xerada Ceeljaale oo garoonka diyaaradaha ku dhaw uu kula kulmi doono madaxda gobolka, odayaasha iyo hogaamiyayaasha AMISOM.

Wafdiga madaxweynaha ayaa ka soo ambabaxay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay saakay booqasho ku tageen.

Wixii faah faahin ah la soco wararkeena dambe.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!