Madaxweyne Xasan Sh. oo booqasho ku tagay magaalda Dhuusomareeb

by admin | Tuesday, Mar 24, 2015

Muqdisho; HN,- Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diiran maanta loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay uga bilaabatey booqasho uu ku dardargelinayo qorshaha maamul u sameynta gobollada dhexe.

Socdaalka madaxweynaha ayaa ka qeyb ka ah dhaqangelinta Hiigsiga 2016, oo qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dhameystirka dhismaha dowlad goboleedyada.

‘’Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ay sameeyeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, dadaalka ay ugu jiraan dhismaha maamulka gobollada dhexe, dowladduna si buuxda ayay u taageersan tahay una garab istaageysaa hawlahan maamulka lagu soo dhisayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa intaanu ambabixin waxaa uu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ku salaamey, kuna sii sagootiyey qaar ka mid ah dad ku dhaawacmey qaraxyo ka dhacay caasimadda, oo daweyn loogu qaadayey dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!