Madaxweyne Xasan Sh. oo galabta dalka dib ugu soo laabtay

by admin | Friday, Jan 30, 2015

Muqdisho; HN;- Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, kadib marki uu dalka Ethiopia uga soo qeybgalay shir madaxeedki Midowga Africa.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu horkacayay gudoomiyaha baarlamanka Maxaxmed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Adis’ababa ee dalka Ethiopia uga soo qeybgalay shir madaxeedki 24-aad ee wadamada Midowga Africa oo maanta lagu qabtay Adis’ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Maalinka barri ah ayaa laga yaabaa in xukuumada la horgeeyo baarlamaanka, waxaana shaki badan laga qabaa in xukuumadu marto baarlamaanka, madaxweynaha ayaana u soo deg degay in uu helo taageero xildhibaano si xukuumadu baarlamaanka u marto ama xitaa uu xildhibaanada ku qanciyo in dib loo dhigo.

Xildhibaanada qaar ayaa ku doodaya in 2-dii todobaad ee xukuumada loo qabtay aay dhamaatay sidaa daraadeedna maalinka sabdigaa lagama maarmaan tahay in xukuumada codka loo qaado.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!