Madaxweyne Xasan Sh. oo mar kale tagaya magaalada Dhuuso mareeb

by admin | Wednesday, Apr 8, 2015

Muqdisho; HN;- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar kale lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galgaduud, iyadoo booqashadan ay tahay tii saddexaad uu ku tagayo magaalada muddo labo bilood ah.

Dhawaan ayuu madaxweynuhu ka baaqday booqasho uu halkaa ku taga lahaa.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Dhuusamareeb ayaa sheegay in wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ay sugayaan maanta si xal rasmi ah looga gaaro arinta ku aadan halka lagu qabanaayo shirka Maamul u sameynta gobolada dhexe.

Maanta ayaa loo maleynayaa in go’aan rasmi ah laga gaaro halka shirka lagu qabanaayo oo muddooyinkii dambe ay ka taagneyd caqabad weyn.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!