Madaxweyne Xasan Sh. oo mar kale tagaya magaalada Dhuuso mareeb

by admin | Wednesday, Apr 1, 2015

Muqdisho; HN;- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta mar kale lagu wadaa inuu u ambabaxo magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Galgaduud, iyadoo booqashadan ay tahay tii saddexaad uu ku tagayo magaalada muddo labo bilood ah.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in ammaanka Magaalada Dhuusamareeb si weyn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee Magaaladaasi ku sugan.

Sidoo kale ciidamada loo yaqaan Koofi gaduuda ee Madaxtooyada Soomaaliya ka howlgala ayaa amniga qayb ka ah, waxaana ay ku sugan yihiin Garoonka Dhuusamareeb iyo xarunta Villa Barwaaqo ee Magaaladaasi oo ay amniga adkeynayaan.

Inkastoo Madaxweynuhu aanu wax guul ah kala soo laaban socdaalkiisa todobaadkii hore, hadana waxaa rajo laga muujinayaa in xal laga gaaro arrinta is mari waaga ah ee ka taagan goobta lagu qabanayo shirka..

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaar ka mid ah odayaashii shirka dib u heshiisiinta Dhuusa Mareeb ay ka soo dabceen mowqifkoodii ahaa in shirka lagu qabto Dhuusa Mareeb, hase ahaatee waxay taa bedelkeed doonayaan in loo xaqiijiyo in Dhuusa Mareeb ay noqoneyso Caasimada Maamulka Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!