Madaxweyne Xasan Sh. oo saxiixey heshiiska xuquuqda caruurta

by Yahye | Tuesday, Jan 20, 2015

Muqdisho: HN:- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xaflad lagu qabtay dugsi ku yaalla degmada Xamarjajab ee Muqdisho ku saxiixay heshiiska Qaramada Midoobay ee dhowrista xuquuqda carruurta.

Xafladda waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda, baarlamaanka, Qaramada Midoobay iyo maamulka degmada Xamarjajab.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaahorraantii bishii December ee sanadkii hore ansixiyay heshiiska.

Soomaaliya ayaa noqonaysa dalkii 195-aad ee saxiixa Heshiiska Xuquuqda Carruurta oo ay Qaramada Midoobay billowday 26 sano ka hor.

Madaxweynaha oo saxiixaya heshiiska Caruurta

Madaxweynaha oo saxiixaya heshiiska Caruurta

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay muhiim u tahay inay qeyb ka noqoto dalalka saxiixay heshiiska, isagoo xusay muhiimadda dowladdiisa ay u leedahay ilaalinta guud ahaan xuquuqda aadanaha.

Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in Heshiiska uu yahay mid taariikhi ah, isagoo xusay in Soomaaliya ay wax la qeybsaneyso dunida inteeda kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan daryeelka Carruurta (UNICEF)  ayaa Anthony Lake oo ah Agaasimaha Fulinta ee UNICEF ku sheegay in ansixinta dowladda federaalka Soomaaliya ee Heshiiska Xuquuqaha Carruurta ay tahay maalgelin dowladda Soomaaliya ku sameyneyso wanaagga carruurteeda, isagoo raaciyay in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan wanaajinta xaaladda Carruurta.

“Farriinta ugu muhiimsan ee Heshiisku waa in ilmo kasta uu mudan yahay in uu noloshiisa ku billaabo qaab caddaalad ku dhisan,” ayaa uu yiri Anthoney Lake.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!