Madaxweyne Xasan Sh. oo u ambabaxay wadanka Itoobiya

by Yahye | Thursday, Nov 6, 2014

Muqdisho; HN;-Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay magalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb galaya shir looga hadlayo dhibaatooyinka ka taagan dalka Koofur-Sudan, waxaana la filayaa inay shirka ka soo qeyb galaan madaxda Urur-goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka tirsan madaxda ka soo qeyb galeysa shirka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo mas’uuliyiin kale ayaa madaxweynaha ku sii sagootiyay garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

Shirka madaxda IGAD ayaa la sheegay inuu socon doono hal maalin.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!