Madaxweyne Xasan Sh, oo weli ku sugan Dhuusamareeb iyo ismari waa jira

by admin | Thursday, Mar 26, 2015

Dhuusomareeb: HN:– Wararka naga soo gaaray magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in wali ay jiraan ismari waa siyaasadeed oo udhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya iyo waxgaradka ka dib markii la isku fahmi waayay halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Ka dib kulan xalay magaalada Dhuusa-mareeb ku dhexmaray madaxweynaha iyo Waxgaradka ayaa lagu kala hoyday iyadoo laga gaarin wax natiijo ah.

Waxgaradka ayaa daneynaya in shirka maamul u sameynta gobolada dhexe lagu qabto magaalada Dhuusa-mareeb maadama ay tahay xarunta gobolka, halka Xasan Sheikh uu soo jeediyay in Shacabka gobolada dhexe maamulkooda ku soo sameystaan magaalada Cadaado, islamarkaana xarunta maamulka laga dhigo Dhuusa-mareeb, waxaana arintaasi ka horyimid Waxgaradka reer Dhuuso mareeb.

Intaasi ka dib, ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu arintaasi u xilsaaray inay soo dhameeyaan xubno Wasiiro iyo siyaasiyiin ah oo safarka ku wehlinaya si kulumo gaar gaar ah ula qaataan waxgaradka ugana dhaa dhiciyaan in shirka lagu qabto Cadaado.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!