Madaxweyne Xasan Sheikh oo shir jaraaid ku qabtay madaxtooyada

by Yahye | Friday, Nov 14, 2014

Muqdisho;- HN:- madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada wuxuu uga  hadlay xaalada dalka hada uu marayo iyo waliba hamiga Dowlada ee hiigsiga 2016-ka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu horeyn si koban u sharaxay guulaha la taabankaro ee la gaaray isagoo sheegay in ay ku guuleysteen arrimo badan oo qeyb ka ah xoojinta dowladnimada.

Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa ka hadlay muhiimada ugu jirta dalka iyo dadka hiigsiga 2016 oo uu sheegay in muhiim uu u yahay dalka islamarkaana u horseedayo horumaro kale duwan dhinac waliba leh.

Shacabka soomaliyeed ayuu madaxweynaha u ifiyay xaalada mustaqabalka ee ay dowlada somaliya la dooneyso oo uu tilmaamay in dowlada ay wado qorshayaal lagu xoojinayo Dowladnimada oo ah mustaqbal soo bidhaamaya.

Madaxweynaha Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamaud ayaa u sheegay dadka Soomaaliyeed inaanay niyad jebin hadii ay la kulmaan dhacdooyin mararka qaar dhaca.

Dhisida maamulada Koonfur Galbeed iyo gobolada dhexe ayuu madaxweynuhu so hadal qaaday qorshaha ay dowladu ka damacsanathay xiligan oo sheegay in ay doonayaan in dalka laga hirgaliyo Federaalka si cadaalad ah.

Ugu danbeyntii,madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay socdaan dadaalo lagu xoojinayo ciidamada qalabka sida iyo waliba in la tayeeyo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!