Madaxweyne Xassa Sheekh” Al-shabaab wax naxariis ah uma hayaan dadka

by admin | Monday, Oct 13, 2014

Madaxweyne-Xassan-SheekhMuqdisho : HN :– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud ayaa weerarkii qarax ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa uu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen Al-shabaab oo ku tilmaamay in ay yihiin dad aan wax naxariis ah u heynin umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo xalay ka qeyb-gallayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta calanka, ayaa sheegay in qaraxii dadka badani ku dhinteen ee ka dhacay Muqdisho uu muujinayo sidda ay quusta u taagan yihiin wax uu ku tilmaamay kooxda argagixisada oo uu ula jeeday [Al-shabaab]

”Aad baan uga niyad jabsannahay waxa ku dhacay dadka aan waxba galabsan ee rayidka ahaa, waxaa warku nagu soo gaaray in ay dhinteen tiro dadka rayid ah oo maqaaxi isaga qaxweynayay, taas waxaa ay u tusaneysaa sidda Al-shabaab u yihiin dad quustay oo aan wax naxariis ah u heynin bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in ay ka foojignaadaan sidda uu hadalka u dhigay dhagarta ay maleegayaan Al-shabaab oo sidda uu sheegay ah kooxo wali nool oo khatardeeda muuqata.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!